Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay waqtiga uu xilka ka dagayo written by Warsan Radio 20/07/2022 Muddo 23 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo ruux, balse hadda waxa uu ku dhawaaqay waqtiga uu ka dagayo xilka.Wareysi gaar ah oo uu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.Balse dadka kasoo hor jeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo dhowr oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.Taas ayaa ka dhigan in Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay waqtiga uu xilka ka dagayo was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb next post RW Xamsa oo shaaciyey inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish You may also like Sacuudiga oo shaacisay tirada sanadkaan xajinaysa iyo sharuudaha laga rabo 24/05/2021 Dhageyso:- Barnaamijka Kulanka Warsan 14/02/2022 Aadan Rufle “Waxaa socdo qorshe 5 sano uu xafiiska ku sii joogayo Axmed Madoobe” 04/11/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/07/2021 Dhageyso:-ku celiska Barnaamijka Barshada nafaqada wanagsan iyo badqabka Cunada 31/05/2021 Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo ka furmay Muqdisho 21/08/2021 Sawiro;-Dab khasare Geeystay oo kacay kacay Xabsi ay ku xiran yihiin Siyaasiyiinta iyo Suxufitiinta Dalka Iran 16/10/2022 Ciidanka dowladda oo fuliyey howlgal miino baaris ah 16/04/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 01/01/2023 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 03/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.