Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah written by Warsan Radio 20/07/2022 Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) ayaa loo soo xeray Dilka Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April ee Sanadkan kadib markii xilli galab ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaaftay rasaas uu furay uu ku dhintay Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan. Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub next post Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb You may also like Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 22/06/2021 QM oo ka digtay musiibo kale oo caalamka kusoo wajahan 22/04/2020 Saciid Deni oo Shuruudo ku xiray mashaariicda Puntland laga fulinayo 26/10/2023 Eedo Culus oo loo haysto Shirkadaha iska leh Google, Twitter iyo Facebook oo maxakmad lagu soo oogay 04/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/03/2019 Ciidamada Dowladda oo la wareegay Xarunta Radio Gedo 29/06/2020 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 14/01/2017 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 17/03/2017 Antonio Guterres;”Waa in dib loogu laabtaa heshiiskii doorasho ee Sep 17″ 27/04/2021 Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Baydhabo iyo Shirka Golaha Wasiirada oo ka dhacaya 22/11/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.