
Dagaalkaan ayaa dhexmaraya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyu Police ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo dhinac ah iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay shalay ku qaadeen magaalada oo ay xilligaas ku sugnaayeen xidhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo gobolka u tagay inay gargaar gaarsiiyaan dadka ay dagaaladu saameeyeen.
Ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay ka hortageen in Shabaab ay gacanta ku dhigaan magaalada Aato,islamarkaana dib loo riixay.
Sida ay sheegeen xogo dhinaca sirdoonka ah, qiyaastii 500 oo dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa 50 mitir gudaha u galay Ethiopia toddobaadkii la soo dhaafay kahor.
