Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya written by Warsan Radio 07/08/2022 Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday You may also like Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray Muqdisho 20/05/2021 Dhageyso: Barnaamijka Beeraha ee Idaacada warsan 18/05/2023 Madaxweyne laftagareen oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay dadkii la soo musaafuriyay 11/10/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 14/08/2020 Dhageyso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 19/12/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/08/2021 Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacda Warsan 28/12/2021 Ciidanka dowladda oo fuliyey howlgal miino baaris ah 16/04/2020 Xildhibaannada labada Aqal oo kulan xasaasi ah yeelanaya iyo Guux ka dhex-jira 06/12/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.