Baydhabo-{WMN} Wasiirka Cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS Salman Cali iyo wasiir kuxigeenka Wasaarada Maxamed Xuseen Xasan Cadaawe ayaa kulan is barasho iyo soo dhoweyn ah waxaa ay la qaateen Agaasimayaasha Wasaarada, Shaqaalaha iyo Gudoomiyaasha Dhalinyarada KGS , gobolka iyo qaar ka Mid ah Dhalinyarada Baydhabo.
Kulanka Waxaa furey oo ujeedkiisa sharxey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Ore Osman Mohamed Wuxuu madaxda cusub uu faafaahin ka siiyey howlaha Wasaarada, qorshayaasha u degsan iyo halka ay hiigsaneyso .
Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka iyo qaar ka Mid Dhalinyaro mataleysey Dhalinyarada Degmada iyo bahda Ciyaaraha ayaa iyagana Wasiirka hadalo soo dhoweyn ah u jeediyey.
Wasiir Salmaan Cali ayaa maamulka iyo shaqaalaha Dhalinyarada ah ee Wasaarada ku amaaney Sida ay dadka deegaanka ay ugu shaqeynayaan Wuxuu balan qaadey in ay sii socon doonto shaqada.