Baydhabo-{WMN}- Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay kulan casho ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada DG Puntland kaddib kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas Siciid Cabdullaahi Deni & Ku xigeenkiisa.
Madaxtooyada Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay kulamadaas ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu mudnaanta siiyay xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha Federaalka & heer Dowlad-Goboleed, la dagaalanka waxa loogu yeero “Argagixisada” & dib u heshiisiinta.
Waxaa barbar socday kulamo wadatashiyo ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay Isimada dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan horumarka & adkeynta Dowladnimada.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.