Dawladda Soomaaliya ayaa la gaadhsiiyey illaa 1,645,600 oo ah tallaalka xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech. Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaaliya, hannaanka qaybinta tallaalka COVID 19 ee COVAX
Warsaxaafadeed lagu baahiyey bogga internetka ee hayโadda UNICEF ayaa lagu sheegay in wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo ka hadlayey munaasibadda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahadceliyey dalalkii ku deeqay tallaalkan.
โWaxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badanโ ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.
Dr Mamunur Rahman Malik, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa yidhi, โGuud ahaan shacabka Soomaaliya illaa 15% ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19, halka illaa 12% oo ka mida shacabka Soomaaliya ay qaateen qayb ka mid ah tallaalka. Iyada oo ay si wada jira isu kaashanayaan, xukuumadda, deeqbixiyayaasha iyo daneeyayaasha kaleba, waxaan isticmaalnay habab hal-abuur leh oo saameyn leh si aan u gaadhno dadka aadka u nugul, looga hortago faafitaanka COVID-19โณ ayuu yidhi.
Dr. Mamunur ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay u qorshaysan tahay in la tallaalo ugu yaraan 40% shacabka Soomaaliya marka la gaadho dhammaadka sannadkan.