
Baydhabo-{WMN}- Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u xaqiijiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres in si nabad ah lagu dhammeeyo muranka hareeyey doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday.
Odinga oo 77 jir ah islamarkaana Maxkamadda Sare u gudbiyey loolan ka dhan natiijadii doorashada madaxtinimo ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashadu 15-kii Agoosto, taasi oo la sheegay inuu ku guuleystay William Ruto, ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay Guterres inuu ixtiraami doono xukunka Maxkamadda Sar
Odinga waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu kula soo xiriiray khadka taleefoonka kalana hadlay doorashada Kenya iyo waxyaabihii kasoo baxay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Odinga Sabtidi.
“Intii lagu guda jiray wada sheekeysiga taleefoonka oo qaatay ku dhawaad 10 daqiiqo, Guterres waxa uu uga mahad-celiyey Odinga inuu doortay inuu sii wado loolankiisa ku aaddan natiijada doorashada madaxtinimo ee lagu dhawaaqay, isaga oo u maraya hay’ado dimoqraadi ah iyo kuwo sharci ah iyo Maxkamadda Sare.”
Maxkamadda Sare ee Kenya weli wax waqti ah uma qaban xilliga ay qaadi doonta dacwadda kiiskan xasaasiga ah iyo goorta lagu dhowaaqayo go’aankeeda.