Baydhabo-{WMN}- Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa sheegtay in Dalka Sri Lanka lacag ugu deeqday si wax looga qabto dhibaatada dhaqaale xumo ee heysata Dalkaas taasi oo sababtay in shacabka waddankaas uu awoodda ka tuuro maamulkii talada hayay si ay u arkaan is baddel muuqda oo wax ka qaban kara dhibaatooyinkaas.
IMF ayaa ku dhawaaqday in ay bixineyso $2.9 Bilyan oo Doollar oo celcelis kusoo dhammaaneyso muddo 4 sano ah si maamulka cusub ee talada dalkaas la wareegay uu fursad ugu helo wax ka qabashada dhaqaale xumada jirta.
Maamulka sare ee IMF ayaa laga sugayaa in uu ansixiyo lacagta deynta ah ee Sri Lanka dib ugu celin doonto Hay’adda Lacagta Adduunka si looga badbaadiyo waddankaas musiibo dhaqaale xumo.ku jiro