Baydhabo-{WMN}- Dalalka Turkiga iyo Giriigga, oo xiriirkooda uu sii xumaanayay tan iyo horaantii sanadkan 2022-ka, ayay hadda xiisad hor leh kasoo dhex cusboonaatay kaddib markii isbuucii lasoo dhaafay lasoo tebiyay dhacdooyin ay ku lug lahaayeen diyaaradaha dagaalka ee labada waddan.
marinka hawada ee Aegean ee dhinaca bari ka xiga Mediterranean ayay isaga hor imaadeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga iyo qalabka difaaca hawada ee Giriigga.
DowladaTurkiga ayaa ku eedeeyay Giriigga in ay dhibaateeyeen diyaaradihiisa F-16-ka, iyagoo u adeegsaday qalabka difaaca hawada ee S-300, ee ku rakiban jasiiradda Crete.
Balse Giriigga ayaa beeniyay eedeymahaas, waxa uuna Turkiga ku eedeeyay in diyaaradiha dagaalka uu usoo diray hawada Giriigga iyagoo aan lasoo wargelin, sidaas awgeedna ay kusoo xad gudbeen hawadooda.
Waxaa laga cabsi qabaa in doorashooyin kusoo socda Turkiga iyo Giriigga iyo xasilooni darro siyaasadeed oo gudaha ah ay sii xoojiyaan xiisadda u dhaxeysa labada waddan.
Bartamihii 2020-kii, xiriirka Turkiga iyo Giriigga ayaa meel aad u xun gaaray kaddib markii ay saameysay xiisadda Bariga Badda Mediterranean-ka, halkaasoo lahaanshaha jasiirado ku yaalla aaggaas ay labada waddan ee deriska ah ku muransan yihiin.
Xilligaas waxaa xiisadda qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqyo militeri. Balse xaaladda ayaa soo fiicnaatay billowgii 2021-kii, kaddib markii ay arrinta soo dhex galeen Garmalka iyo NATO.