
Baydhabo-{WMN}-ย Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika.
Ugu horreyn Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalka Koonfur Afrika uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Ganacsatada iyo Jaaliyadda ku nool Dalka Koonfur Afrika ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan dib u dhiska dalka iyo caawinta kuwa masaakiinta.
โRuntii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo ganacsatada ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysanโ ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira dalka.
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika gaaray 30-kii August 2022 si ay uga qeyb galaan shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament), oo furmay 1 September 2022.