Baydhabo-{WMN}-Waxaa sii kordhayo Khasaaraha dagaalo Culus oo udhaxeeyso Ciidamada deegaanka iyo Al.shabaab oo ka socda deegaanka Ceeleey oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan waxaa uu ku bilooowday kadib markii Xubno ka tirsan Al.shabaab ay dad iyo xoolo ka wateen deegaanka Ceeleey intaasi kadib dadka deegaanka oo arintaasi ka carooday ayaa weeraray Xubnahii ka tirsanaa Al.shabaab. Dagaalkii xalay biloowday ayaa soo gaaray Subaxnimadii hore ee saakay.
ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo labada dhinaca ah 20 qof kabadan dhawac ayaa soo gaaray sida ay Warsan Radio usheegeyn ilo Muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.
dadkan badan oo kusoo dhawacmay dagaalka oo dadka deegaanka ubadan ayaa la dhigay isbitaalka Guud ee degmada Maxaas sida ay Warsan Radio usheegeyn Maamulka Isbitaalka. Maamulka ayaa intaasi ku daray in isbitaalka uu wajahayo xaalado Daawo laโaaneeyd.