
Baydhabo-{WMN}- Afhayeenka Taliban Khalid Zadran ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen shaqsiga isku qarxiyay dhismaha Saafaradda Ruushka ee Afghanistan oo xiligaas ay ku sugnaayeen Dad rabay in ay qaataan dal ku galka waddankaas.
Khalid Zadran, waxa uu sheegay in qofka isku soo xiray walxaha qarxa oo ku qarxay meel barxad ah kaddib markii la toogtay inta uusan u dhawaan Dadka safka ugu jiray in ay qaataan dal ku galka Ruushka.
Afhayeenka Booliiska Kabul ee Dowladda Taliban ayaa khasaaraha ku sheegay dhimashada 6 ruux oo shacab ah oo reer Afghanistan ah maadaama ay gudaha ku jireen muwaadiniinta Ruushka ee safaaradda ku sugan.
Taliban oo muddo sanad ah gacanta ku heysa maamulka Afghanistan waxa maamulkaas wajahaya qaraxyo qaarkood lagu beegsanayo saraakiishooda iyo Ajaanib, mas’uuliyiinta amniga qaabilsan ayaa ku hanjabay in ay jawaab ka bixin doonnaan