Baydhabo-{WMN}- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanayo Ciidamada dib u xoreeynta Gobolka Hiiraan ayaa wado howlgalo balaaran oo ay ka sameeynayaan inta udhaxeeyso Degmooyinka Maxaas, Baladweyne iyo degmada Buulo Burde.
Ciidamadan ayaa qorsheeyanaya in ay weeraraan Saldhig ururka Al.shabaab ay ku leeyahiin Deegaanada Booco iyo Moqokori oo ay maamulayeen 10kii sano ee ugu danbeeyey sida aan ka helnay ilo Muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.
Ciidamadan ayaa wado Abaabulkii ugu danbeeyey ee ay kula dagaalamayaan ururka Al.shabaab waxaana inta badan deegaanada ay ku wajahan yahiin is kaga baxay Xubnahii ka tirsanaa Al.shabaab ee Maamulay sanadahii Badnaa,
Ciidamada dowlada iyo dadka deegaanka ayaa la dajiyey goobo horleh oo dhawaan Al.shabaab lagala wareegay shalay waxaana ku booqday Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan waxaa hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Taliyaha qeeybta 27aaad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Generaal Tawane axmed Gureey iyo Masuuliyeen kale.