Baydhabo-{WMN}- Si guud xeerka ciqaabtu (Criminal Law) waxaa uu tilmaamaa dhammaan Xeerarka Ciqaabta ee loo dejiyo si loo dhowro loona joogteeyo bedqabka Nolosha Muwaadiniinta, xeerarkaas ciqaabta ee la dejiyo waxa ay xeeqaan dembiyada islamarkaasna waxa ay jideeyaan ciqaabtooda iyada oo laga duulayo mabda’a weyn ee ah “Dembi iyo Ciqaab midkoodna ma jiro haddii aan Sharcigu Jideyn” (Nullum crimen sine lege- Without Law, There is No Crime and Punishment), halka xeerarka habka ciqaabtu (Criminal Procedures) ay ciyaaraan kaalinta muhiimka ah ee qeexidda habka iyo qaabka ay maxkamaduhu u dhaqangelinayaan Xeerka Ciqaabta, haddaba maqaalkan waxa uu ku saabsan yahay Marxaladaha faldembiyeedku maro.
Fal-dembiyeedku inta badan ma dhaco hal mar oo keli ah balse si uu u dhaliyo Natiijo ama u gaaro heerka dhammeystirka waxa uu maraa 4; Marxalad ama heer kuwaas oo Qaanuunku u yaqaan Marxaladaha Faldembiyeedka (Stages of the Crime) heerarkaasi marka ay isu-tagaan waxa ay xaqiijiyaan dhicidda faldembiyeedka, waxaana suuragal ah in aan hay’adaha kahortagga dembiyadu ku baraarugin illaa uu gaaro heerka 2aad.
RadioWarsan