Baydhabo-{WMN}- Albania ayaa sheegtay in markale ay la kulantay weerar dhanka internetka ah oo uga yimid Dowlada Iiraan, maalmo ka dib markii Albaania uu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Xukumadda Iraan
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Albania ayaa lagu eedeeyay Iiraan in ay jabsatay adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda iyo mareegaha Internetka.
“Nidaamyada kombuyuutarrada Booliiska qaranka waxaa Jimcihii ku dhacay weerar internet-ka ah kaas oo ay geysteen kuwii bishii Luulyo weeraray nidaamka adeegga dadweynaha iyo dawladda ee dalka,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ka soo baxay.
Albania ayaa sidaan oo kale bishii Luuliyo ee sannadkan ula kulantay weerar dhinaca internet oo xooggan, kaasi oo saameyn u geystay Adeegyada Digitaalka ah ee Dowladda.