
Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu rasaas ku furay ilaalada banaanka hore ee dhismaha ku sugneyd, ka hor inta uusan gudaha u gelin fasal ay ardaydu ku qaadanayeen imtixaanka ay jaamacadda ku galayaan.
Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ka muuqda burbur iyo dhiigga dadki qaraxaasi ku waxyeelloobay iyo burbur dhismaha soo gaaray.
Sida qaraxyo badan oo dhowaan dhacay, qaraxan u dambeeyey wuxuu ka dhacay xaafad ay deggan yihiin Shiicada Hazara ee laga tirada badan yahay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, balse Ururka isku magacabay dowladda islaamka ayaa horay qaraxya noocan ah la beegsaday Shiicada laga tirada badan yahay ee Hazara.