Baydhabo-{WMN}- Booliska ย dowlada Maleysia ayaa soo furtay shaqsi Falastiini ah oo Sirdoonka Israaโiil si qarsoodi ah ugu afduubteen Magaalada Kuala Lumpur ee caasimada dalkaas
Mossad oo ah Sirdoonka Israaโiil ayaa soo kiraysatay Muwaadiniin u dhashay Malaysia oo ay siiyeen lacag badan, si ay ugu fuliyaan afduubka, halka Mossad ay taleefan ka hagaysay Hawsha afduubka
Falastiiniga la afduubtay ayaa lagu hayey maalmo oo lagu qarinayey guri qarsoodi ah, Sirdoonka Israel ayaana Video Call Suโaalo ku weydiinayey, sida inuu xiriir la leeyahay Guutada Qassam ee Falasdiin ka dagaalanta
Sirdoonka Malaysia oo ka war helay muโaamaradan ayaa markii dambe ku guuleystay inay helaan goobtii ay ku sugnaayeen kooxda afduubka geysatay, kuwaasoo la soo qabtay ka dibna xabsiga loo taxaabay
saraakiil ka tirsan Sirdoonka Malaysia ayaa baaritaan dheer oo ay sameeyeen waxay sheegeen iney ku ogaadeen in Ragga afduubka sameeyey ay horay u soo tababareen sirdoonka Israel ee Mossad