
Xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa si weyn looga dayrinayaa, iyadoo hayβadaha Caalamiga ah ay muujinayaan walaacii ugu weynaa ee ku aaddan xaaladda kumanaan Soomaali ah oo qarka u saran dhimasho, kadib markii Abaaraha ka jira dalka ay gaareen xaaalado halis ah
Hayβadda Qaramada ayaa sheegaysa in haatan ay Soomaaliya ku dhufatay Abaartii ugu xumayd,waxaana ay intaa ku dartay in daqiiqad kasta Hal qof oo ilmo yar ah la seexiyo isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada
βHal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar baβan ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarniβayuu yiri afhayeen u hadlay hayβadda UNICEF Talaadadii shalay
James Elder oo shir jaraaβid ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof
Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan wali la
