Baydhabo-{WMN}- Shirkadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Coastline ayaa faahfaahin ka bixisay heshiiskii ay la gashay dowladda Soomaaliya, kaas oo xalay lagu saxiixay Magaalada, isla markaana ahaa mid uu muran horay u hareeyay balse dowladdu sheegtay in dib u habeeyn lagu sameeyay.
War kasoo baxay Shirkadda ayaa lagu shaaciyay in ay $7 milyan ku bixisay saxiixa heshiiska shidaalka ee muranka uu ka taagan yahay. Lacagtaas ayay xustey in ay ku shubtey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale shirkadda waxaa ay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud uu ogolaaday heshiiskan, isla markaana ay rajo ka muujisay in lagu guuleysto soo saarista shidaalka, ayna filayaan inay siiyaan Soomaaliya malaayiin dollar oo kale ah lacagaha loo yaqaan ‘royalty’, faa’iido kala qaybsiga iyo cashuurta dakhliga.
Mas’uuliyiinta ay Shirkadda Coastline taageerada ka heshay si loogu saxiixo heshiiska ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaama, Wasiirka Tamarta & Macdanta, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka & masuuliyiin kale.
Ugu dambeyn Shirkadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Coastline ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya u furan yahay ganacsi iyo heshiisyada shirkadaha caalami ah si looga faa’iideysto kheyraadka kujira.