Baydhabo-{WMN}-ย ย Madaxweynaha DalkTurkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saxiixay qorshaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee uu ku doonayo in Turkigu uu xarun u noqdo gaasta dabiiciga ah ee Ruushka. Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu sugayey fursaddan muhiimka ah, isagoo sheegay inuu ogolaaday qorshaha Putin
โWadamada Yurub waxay hadda raadinayaan meel ay ka helaan sahayda gaaska dabiiciga ah,โ ayuu yidhi madaxweyne Erdogan, โIlaah mahadii Turkiga kama jirto dhibatadaas oo kale. Waxaan rajeyneynaa, inaan dhowaan noqon doono xarun gaaska dabiiciga ah qaybisa.
Toddobaadkii hore madaxweyne Putin ayaa sheegay in gaasta dabiiciga ah loo wareejin doono dalka Turkiga lagana bedeli doono dhuumaha shidaalka ee Nord Stream ee dhex mara biyaha badda Baltic ee u dhaxaysa dalalka Yurub iyo Ruushka, kuwaas oo dhowaan ay waxyeelleeyeen qaraxyo loo geystay
Ruushka ayaa hore gaasta u siin jiray dalka Turkiga, isaga oo u soo marin jiray dhuumaha shidaalka ee lagu magcaabo TurkSteam, kuwaas oo hoos mara biyaha badda Madow. Laakiin Kremlin ayaa qiratay in dhuumahaas shidaalku aanay lahayn awood ay ku qaadaan gaasta dheeriga ah
Senem Duzgit oo ah macalin culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Istanbul ayaa sheegay in marka uu Ruushku awoodo inuu dalka Turkiga soo gaadhsiiyo gaasta lagu heshiiyey, inay suuro gal tahay in xilligaas ay Yurub ay heshay meel kale oo ay ka heli karto gaasta ay u baahan tahay
โWaxaan ula jeedaa, yaa iibsanaya gaastaas?โ ayuu yidhi, โwaxaan leeyahay, run ahaantii, haddii ay reer Yurub diidaan inay iibsadaan gaastaas, yaa kale oo iibsanaya? Haddaba yuu Turkigu xarun u noqon doonaa? Sax? Yaa noqon doona meesha ay gaastu u socoto? Taasi waa qodobka aanan fahmin weli