
Baydhowy-{WMN}-Wasiirka arrimaha gudaha iyo Dib u heshisinta federaalkaΒ Β Ahmed Moallim Fiqi iyo masβuuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar indha indheyn waxaa ay ku gaareen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan
Mudane Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan heyβadaha dowladda iyo xasllinta
Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.