Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay weerarkii qaraxyada ee ka dhacay magaalada muqdisho, kaas oo ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa faray xarrumaha caafimaadka in aysan lacag ka qaadin dadka dhaawacyada iyo kuwa dhiiga ku deeqaya.
โXarumaha Caafimaadka waxaa la farayaa in aan wax lacag ah laga qaadi karin dadka ay waxyeelada kasoo gaareen weerarkii shalay iyo Bulshada Dhiiga ugu deeqaya dhaawacyadaโ ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay baaritaan ku sameeynayaan Isbitaalo la sheegay inay lacago ka qaadayaan baaritaanka dadka doonaya inay dhiig u shubaan dhaawacyada
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u gurmadaan oo dhiiga u shubaan walaalahooda ee Argagixisada ku gumaaday Isgoyska Soobe.