Wajiyadii ugu dambeyey ee indha fiiqis ah ayaa Isbitaalka Al-kheyraad ka fulisey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay taasi oo ka faโidesteen bukaano badan oo in mudo ah la dhibtoonaayey xanuunada ku dhacaan indhaha kuwaasi oo u badnayeen dad daโah.
Bukaanadaan ka faโideystay indha fiiqista Al-kheyraad ayaa qaarkood waxaa ay ka imadeen degaano ay hoos tagaan magaalada baydhabo, waxeyna iskugu jireen kuwo magaalada degaan u ah iyo kuwo kale oo ka imadeen kaamamka ku yalaan magaalada Baydhabo.
Al- kheyraad oo kamid ah xarumaha lagu daaweeyo xanuunada ku dhacaan indhaha ayaa sidoo kale waxa ay qabishaa bukaano ka imanaya gobolada kale ee dalka sida Baay, Bakool iyo Sh/hoose.
Dhaqtar Khadar Kuule Xasan ayaa ugu horeentii waxaa uu sharxaad ka bixinaya bukaanada qaliinada loogu sameeyey Isbitaalka Al-kheyraad ee Magaalada Baydhabo.
Indhaha waxey kamid yihiin xubnaha ugu qaalisan ee qofka Biniโaadan ah Maryan Maxamed Imaan oo kamid ah bukaanadii indhaha loogu fiiqey Isbitaalka Al-kheyraad ee magaalada Baydhabo mudo 15 sano ah ayaa indhaha ka saarnaa caad si indhaheeda loogu fiiqo ayay waxey uga timid Degaanka Ufurow oo katirsan gobolka Baay.
Waxaa soo badanaya xudurada kala duwan ee ku dhaca indhaha iyadoo dadka kudhacana ay iskugu jiraan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhaqtar Khadar Kuule Xasan ayaa waxaa uu ka waramaya waxyaabaha sababa xanuunada kala duwan eek u dhaca indhaha.