Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada katirsan kuwa xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa Maanta ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab laga war heley iney isku soo caruuriyeen Deegaanka Baladul Aamiin oo kamid deeegaanada hoostaga Degmada Qansax dheere, kadib sidaas Ciidamada Dowlada ay dagaalka ugu qaadeen xubnihii ka tirsanaa Al-shabaab.
Dagaalka waxa uu ka dhashey khasaaro isugu jiraa dhimasho iyo dhaawac oo laba dhinac ah.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab , isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen, goobjoogayaal ayaa waxaa ay Idaacada Warsan u sheegeeen u sheegeen in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo Degmada Qansaxdheere.
Gadoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Baay Isaaq Maxamed Korsaar oo wareysi siiyey Idaacada Warsan ayaa faa faahin ka bixiyey Dagaalka ka dhacay Degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay, iyo Xaaladaha Amniga Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Baay.
Wariye: Maxamuud Cali Cabdulaahi.