Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Abdullaahi Haaji Hassan Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Mudane Mohamud Mohamed Khaire Guddoomiyaha Gobolka Baay Mudane Abdifatah Mohamed Ibraahim Lataliyaha Madaxweynaha Maamul Daadajinta Mudane Abdirahmaan Ali Gaab ayaa si wadajir ah shahaadada xubinimada golaha deegaanka Degmada Bardaale u guddoonsiiyey 21-ka xubnood ee golaha deegaanka kuwaasi oo dhawaan ay doorteen bulshada Degmada Bardaale.
Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa xubnaha golaha deegaanka oo labo kamid ah dumar yihiin kula dardaaramey inay dardargeliyaan howlaha hortabin u leh bulshada iyo deegaanka si loo gaaro horumar laga mahdiyo deeganka iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.