Xaflda Waxa Ka Soo Qayb Galay maamulka Degmda Wajid Uu Hogaamiyo Gudoomiyaha Degmada Wajid Mudane Mohamed Yussuf Ali , Sarakiisha Ururka 260,aad Guutada 9,aad Qaybta 60,aad Kuwa ATMIS iyo Talyaha Saldhiga Boliska Degmada Waajid.
Munasabadda intii ay Socotay Waxaa Bilad sharaf lagu Gadoonsiyey Guddomiyaha Degmada Waajid Isagoona Ku Mutaystay Sida Wanagsan Bulshada ugu Adeego, Sidoo kale Waxaa meesha Lagu dalacsiyey qaar kamid ah Ciidanka militariga ATMIS kuwii ugu shaqada Wanagsanaa. Mudadii ay ku sugnayeen Degmada Waajid Ee Gobolka Bokool.
Taliyaha Ciidanka ATMIS Qaybta Degmda Waajid Ayaa Ku Amaanay Guddomiyaha Degmada Waajid siduu ugu qayb qatay Amniga iyo Muddadii Uu xilka Hayey waxyabihii U qaybsoomay Hormarinta Degmada Waajid si Mar walba Ugu Qayb qaato horumarinta Degmada, isagoona Xusey In Gaddomiye Mohamed Yussuf Ali inta badan ka qayb qadanayo Howlgalada Ka dhanka Ururka AL-shabab.
Gaba-gabadii Guddomiyaha Degamda Waajid Mohamed Yussuf Ali ayaa U Mahadceliyey Taliyaha Ciidanka ATMIS iyo Ciidankiisa Sida Mar walba Ugu Qayb qataan Howlgalada Ka Dhanka ah Ururka Nabdiidka AL shabab .
Dhamaad.