Baydhowy-{WMN}-Hoos ka dhaegeyo Warka DUhurnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Yuusuf Sheekh Aadan (Qalinle)
November 2022
Jubbaland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Ugu Badnaa Ee Loo Diyaariyay Dagaalka AL-Shabaab

Baydhowy-{WMN}-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.
Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgalo midaysan oo laguladagaalamaayo Al-Shabaab.
Ugu horayn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaalka kasocda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono isagoo uga digay dadka shacabka ah inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ku amaanay Dowlada Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Abdi Barre sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib tirka argagixisada taas oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.

Hoos;-Dhageyso:- Barnaamijka Athiiny Kydeyooy qeybtiisa 21 aad Dhaqanka Soomaalida Iyo Ganacisiga Haweenka ? barnaamijkan waxaa iska kaashanayaan Idaacada Warsan iyo BBCMedia action,Waxaana Soo Jeedinayaa Wariye; Shukri Ismaciil Axmed ( Shukri bidhaan) Iyo Wariye; Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni)

Baydhowy-{WMN}-Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen Madaxda Dowladda, Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Martisharaf kale ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdishu.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan hoolka uu ka dhacaayo shirka ayaa ka jeedin doonno khudbad uu ku dhiirrigelinaayo Maalgashadayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa faa-faahin doona doorka Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay maalgelinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga hal-buurka leh ee doonya in ay kor u qaadaan wax soosaarka gJudah dalkeenn.
Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS oo udub dhaxaad u ah shirkaan ayaa ku casuumtay dhammaan Maalgashatada ajaanibta ah, Ganacsatada dalka, Qurba joogta iyo kuwa maxalliga ah ee gudaha dalka ka howlagala.
Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii Hoteel Villa Rosa

Baydhowy-{WMN}-Waxaa Maanta baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo loo madalsanaa maanta.
Fariin lo dirtay Xildhibaanada ayaa loogu sheegay in gabi ahaanba uu baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole, waxaana fariinta la raaciyay in dib laga soo sheegi doono xiliga la qabanayo fadhiga xiga.
“Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka.
Baaqashada kulanka ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib weerarkii dagaalamaayasha AL-Shabaab ay ku qaadeen hotel u dhaw maadxtooyada kaasi oo ilaa iyo haatan aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee weerar loo adeegsaday qarax iyo rasaas oo ka dhacay Muqdisho

War qoraal ah oo loo diray saxaafadda ayaa booliisku waxay sheegeen inay koox “Khawaarij” ah weerareen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdishu.
Booliiska ayaa intaas ku daray in ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka.
Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa VOA Somali u sheegay in weerarka uu ku bilowday qarax, kadibna maleeshiyaad ay weerareen hotelka.
Qaraxa hore ayaa la sheegay inuu dhacay 8:5pm waqtiga Muqdishu.
Al-Shababa ayaa sheegay inay qaadeen weerar ismiidaamin ah caawa magaalada Muqdishu.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan. Villa Rossa ayaa la sheegay iay tahay goob ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyinta dawladda.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo dawladda Soomaaliya ay toddobaadkii hore sheegtay inay muddo saddex bilood ah hawlgallo socday ay ciidamada dawladda iyo dadka degaanku ku dilene in ka badan 600 oo mintiidiin ah, kuna dhaawaceen 1200 kale, halka ay qabsadeen 68 degaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe uu ku jiro shaqsiyaad kale oo ay kamid yihiin ugu yaraan laba mas’uul kale oo dhaawac kasoo gaarey weerarka Villa Rossa.
Wasiir dowladaha Wasaaradda deegaanka ayaa sheegay in qaraxa ay ka badbaadeen Wasiiro ay uu ka mid yahay oo hoteelka deganaa.
“Waxaa qarax lagu weeraray Hotel Villa Rays oo aan degganahay, markii nala weerarayna aan dhex fadhiyey anigoo salaadda cishe jameecada la soo tukaday.Waan bed qabaa. الحمد لله. Maalin aanan dhaafi doonin ayaa jirta”ayuu yiri Aw Xersi.

Baydhabo-{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaad Caawa kaga boganidoontaan Wareeysiyo aad xasaasi u ah, khudbadiha shirarkii maanta Madaxda Somaliya ay ku qabteen Dalka iyo dibadiisa. waxaa Caawa soo saarey soona jeedinaaya Wariye Mohamuud Ali Abdullahi (Gaabshaa} Dhageysi wanaagsan.




