Hoos ka dhageyso Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Bilal Hilal Shueb
November 2022

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Badda Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalkan u sigaar ah uga dhacay Xeebaha magaalada Caluula ee gobolka Puntland ula baxday Gardafuu, isla markaana lagu qabtay doomo si sharci darro ah u kalluumeysanayay.
“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa degmada Caluula ka fuliyey hawlgallo qorshaysan oo lagu soo qabtay Ajaaniib iyo Kalluumaysato sharcidaro ku Kalluumaysanaayey” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale Taliska Ciidamada Badda Puntland wuxuu sheegay inay hayaan Raggii Ajaanibta ahaa ee watay doomaha sida sharci darrada ah u kalluumeysanayay dhawaana ay soo bandhigi doonaan.
Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidanka badda dowlad Goboleedka Puntland waxaa howlgallo ay sameeyeen ku qabteen Ajaanib si sharci darro ah u kalluumeysanayay, kuwaas oo qaarkood Puntand ay xukun ku riday.

Hoos ka dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Salaamaha ee Idaacada Warsan oo soo jeedinaayo Mohamuud Nuunoow (macalin jiijoow)



Hoos ka Dhageyso dood kusaabsan kaburaarujinta bulshada cudurada ku dhaca dhimirka, Dooda waxaa marti ku ahaa Dr Aden Abdirahman Mohamed ( Gentale Man). Waxaan Tabinaaya Dooda Mohamed Abdirahmaan (Maleele).

Baydhabo-{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaad Caawa kaga boganidoontaan Wareeysiyo aad xasaasi u ah, khudbadiha shirarkii maanta Madaxda Somaliya ay ku qabteen Dalka iyo dibadiisa. waxaa Caawa soo saarey soona jeedinaaya Wariye Mohamuud Ali Abdullahi (Gaabshaa} Dhageysi wanaagsan.
RW Xamse “ Dalku wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, ayaa caddeeyay in dalku uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.
Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.
“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran”
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furitaanka shirka
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka .
Mudane Xamse ayaa caddeeyay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Dan-Qaran uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah.

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta Ururka Al-Shabaab kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostagga magaaladda Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah maamulayeen.
Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa Risaala u sheegay in ciidanka xoogga saakay ay sinabadgelyo ah gudaha u galeen deegaanka Cad-Cadeey kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in howlgallada ay siwadajir ah u sii wadi doonaan Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka guud ahaan dalkana laga saari doono Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Janeraal Tareedisho waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in qof walba uu u kaco sidii uu ula dagaalami lahaay Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta xukun dil ah ku fulisay labo rag ah, kuwaas oo lagu helay inay si ula kac u gaystay dil.
Gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan ayey maxkamaddu maanta goob joog u ahayd fulinta xukunkii dilka ahaa oo looga qisaasayay dilkii ay hore u gaysteen.
Gacan ku dhiiglayaashan sida bareerka ah u dilay muwaadiniinta ayaa ahaa ciidamo ka kala tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Jubbaland iyo ciidamada xoogga Dalka.
Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso.
Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysta sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu uga yaraado.
Soomaaliya & Serbia oo ka wada hadlay isdhaafsiga khibradaha Dhaqaalo Abuurka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Somaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo Safar Shaqo ku joogo Dalka Serbia ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Rade Basta.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Saaxiibtinimo sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga iyo sidii labada dowladood u yeelan lahaayeen wadashaqeyn joogto ah.
Inta Kulanka uu socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa Dadka soomaaliyeed ku Ammaanay Fir-fircoonida Ganacsiga iyo shaqo abuurka Maadaama Soomaaliya ay tahay Dal leh dhul beereed iyo Xeeb dheer oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana Mudane Reda Basta uu ku taliyay In Soomaaliya ay u guurto Habka Casriga ee Canshuuraha lagu uruuriyo ee loo yaqaano (E-Government).
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka, ayna labada dal iska kaashan doonaan Horumarinta Dhaqaalaha.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la is dhaafsado khuburo dhaqaalaha ah oo labada dal ka socda kuwaas oo kala tagi doonna Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade, si ay u xoojiyaan xiriirka ay leeyihiin labada dowaldood.



