Xildhibaan Mohamed Nor {Fanax} Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka Dowlad Goboleedka KGS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Garoonka diyaaradaha Xudur waxaa wafdiga Wasiirka ku soo dhoweyey Maamulka Gobalka Bakool, Guddoomiyaha Degmadaasi Xudur iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Xudur.
U jeedada safarka Wasiir Fanax ayaa ku qotaman Arimo shaqo iyo u kuur galidda xaaladaha ka jira Gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Xudur.
Tan iyo intii uu Xafiiska joogay Wasiir Kuxigeenka Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka KGS Xildhibaan Mohamed Nuur Fanax ayaa u suuragashay in uu labo (2) jeer tago Xudur oo ah goob kulansatay Xaalado baniaadannimo iyo dhibaatada Al-Shabaab.