Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga wada maqlay qeybaha ay ka kooban tahay caasimada ayaa lagu waramayaa in uu ka dhashay khasaare balaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warar soo baxaya sheegaya in qaraxa lagu bartilmaameedsaday Hotelka Safari ee KM 5 gaar ahaan Isgoyska Zoobe oo ah goob aad u mashquul badan.
Wali waxaa la maqlayaa rasaaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada dowladda oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, sidoo kale waxaa goobta gaaray gadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta ka qaadaya dadka ay wax yaaladu soo gaartay.
Dab xoogan ayaa sidoo kale ka kacay agagaarka Isgooska Zope gaar ahaan goobo shidaalka lagu iibiyo, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada amaanka kuwaa oo u gurmanaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.
Tirada dhimashada ayaa lagu waramayaa in ay ka badan tahay 20 ruux, inkastoo dadka qaar ay ka hadlayaa tiro aad u badan oo u baahan in la hubiyo.