Booliska oo soo bandhigay Daroogo laga qabtay Garoonka Aadan-Cadde written by Warsan Radio 05/12/2022 Saldhiga Boliiska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay dhowr nuuc oo daawooyin Koontrobaan ah kuwaas oo loo isticmaalo in lagu sarqaamo.Daawooyinkas oo dhowr jeer siyaabo kala duwan loogu qabtay Garoonka ayaa kala ah ;- 6 cartoon Tramadole Capsule 100 mg iyo 50 mg oo ay soo saaraan shirkadaha Zain Pharma iyo Zamadol oo ay soo saartay Zimadol, 2 cartoon oo Codeine Sharoobo Benyalin, Pregabalin Capsule 2 Cartoon, Cirbadaha Pethidine & oxytin 100 mg, oo ay soo saartay Martindole Pharma iyo hal cartoon Cirbada Robadole tramadole oo ay soo saartay Radiance Pharmaceticals Limited.Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodisho ayaa sheegay in Muqaadaraadkan ay yihiin kuwa ugu weyn ee sababa dembiyada nuucyadooda kala duwan, isla markaana Ciidanka Boliisku heegan buuxa ugu jiraan inay kula dagalaamaan muqaadaraadka dhan kasta oo uu ka soo galo dalka. Sida Garoonka, Dekada iyo Xaduudaha dalka.Afhayeenka ayaa sidoo kale uga digay cid walba oo ku howlan inay dalka keenaan daawooyinkaas lagu sarqaamo ee aan aheyn sifada sharciga ah. Booliska oo soo bandhigay Daroogo laga qabtay Garoonka Aadan-Cadde was last modified: December 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wareysi: Dood Wadaag Ku saabsanaa Tabinta doorashooyinka Oo Baydhabo Lagu qabtay. next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Ruushka oo baajiyey kulan ay la yeelan lahaayeen Maraykanka oo ku saabsanaa heshiiska Nukliyeerka ee labada dal 29/11/2022 DHAGEEYSO;-Warka Galab ee Radio Warsan 15/03/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/01/2023 Safiirkii Mareykanka u fadhiye Ruushka oo is casilay 05/09/2022 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Denmark 19/10/2019 Dhageyso:-Warka Jaceylow isku Shaandheyntii Golaha Wasiirada oo laga soo Horjeestey 02/08/2017 Madaxweyne Trump oo beeniyey inuu aflagaadeeyey Askartii dhimatay ee Maraykanka 05/09/2020 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 05/08/2022 Mas’uuliyiin Isbitaalka ku booqday dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda 31/01/2022 QARAX LALA BEEGSADEY CIIDAMO AMISOM AH . 10/10/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.