
Madaxweyne ku xigeenka oo kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan hufnaan iyo karti ay ku gutaan waajibaadka saaran ayaa tilmaamay in Maamulka iyo shacabka Galmudug ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka dowlad dhiska, maamul daadajinta iyo dimuqraadiyadda.
Waxaa uu faray inay dardar geliyaan shaqooyinka loo igmaday ee la xiriira diyaarinta sida degaannada Galmudug looga qaban karo doorashooyin qof iyo cod ah.
Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug .Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddiga cusub ee doorashooyinka Ammar siiyay