Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka written by Warsan Radio 23/12/2022 Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka was last modified: December 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Federaalka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo next post Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban. You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/12/2019 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 03/08/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 12/05/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 17/12/2022 Dowladda Soomaaliya Oo Ciidamo Farabadan Ka Dejisay Magaalada Gaalkacyo 09/01/2023 Axmed Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka horjeediyay guddoonka Aqalka sare 06/09/2020 DFS oo shaacisay xilliga tallaalka Coronavirus dalka soo gaarayo 09/02/2021 Akhriso:-Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo oo lagu eedeeyay weerarkii Soomaalida ee Yemen 27/07/2017 Dhageyso:-Xaafadaha Dooynuunay A iyo Dooynuunay B oo Finalka tartanka isla imaadey 20/05/2020 Dhageyso: Maamulka Degmada Xudur Oo Awaamiir ka soo saarey in Magaalada lakeeni karin waxyaabaha hoose u dhiga bilacda iyo nadaafada Deegaanka. 25/02/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.