Musharixiinta Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka Baydhabo written by Warsan Radio 03/01/2023 Musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruudo dhowr ah waxaa ay kuxireen ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur galbeed, kaas oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) uu iclaamiyay in 5-ta Bisha Janaayo oo ku beegan Maalinta Khamiista ah uu ka furmo Magaalada Baydhabo.Qoraal ay Musharixiinta u direen Guddoomiyaha Golaha Shaabka ayay uga dalbadeen in la fuliyo Saddex shruudood oo ay kaga qeyb geli karaan shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah.Marka hore Musharixiinta ayaa kasoo horjeestay guddiga farsamo ee ka koban 7 Xubnood, kuwaas oo uu guddoomiyaha xilsaaray qabsoomida shirka, iyaga oo sheegay in arabka laftaagreen kaliya xibno laga siiyay, isla markaana dhankooda aan lagala tashan.Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aan weli la fulin ballantii aheyd in tallaabo laga qaado saraakiishii ku lugta leheyd weerarkii dhawaan ka dhacay Baydhabo iyo in ciidanka Koofur Galbeed laga saaro guryaha mucaaradka ee magaalada Baydhabo, lana siidaayo Maxaabiista laga heysto.Waxaa xilligaan jirta cabsi la xiriirta in uu dib uga dhaco waqtigii loo qorsheeyay shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, hadii aan xal laga gaarin cabashada ay qabaan musharixiinta mucaaradka ah. Musharixiinta Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka Baydhabo was last modified: January 3rd, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Malaaq Shiine oo ku dhawaaqay inay ka hortagayaan dadka diidan Shirka Baydhabo You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/12/2019 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/10/2019 Wasiir Wasaarada Caafimaadka oo saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka 14/07/2020 Maxamud Mahamed Boonow Oo ahaa Xildhibaan Hore oo Baydhabo ku Geeriyooday 10/03/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/12/2020 VIDEO WASIIRKA QORSHEYNTA IYO SAFIIRKA MIDOWGA YURUB OO GAARAY BAYDHABO 28/07/2017 DHAGEEYSO;-Warka Subax ee Radio Warsan 13/03/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/10/2021 Digniin laga bixiyay Roobab duufaano wata oo kusoo wajahan qaar kamid ah gobolada Soomaaliya 03/10/2020 Ciidamo gadoodsan oo xiray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha dalka MALI 18/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.