Ukraine oo daroon ku duqeysay xarun Tamarta ee gudaha dalka Ruushka written by Warsan Radio 03/01/2023 Ciiddanka Ukraine waxay Diyaarad nooca Daroonka ku duqeeyeen Xarun Koranto oo ku taalla Gobalka Bryansk ee dalka Raashiya, taas oo keeneysa in uu sii xoogeysto dagaalka u dhaxeeya labada dal.Qoraal uu Aleksandr Bogomaz soo dhigay Barta uu ku leeyahay Telegram waxa uu ku xusay inay Diyaarad Daroonka beegsatay Xarunta Korantada ee Degmadda Klimovsky oo u dhow xuduudka ay wadaagaan Raashiya iyo Ukraine.Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin khasaaro nafeed, inkastoo uu dab ka kacay Xarunta Korantada ee la duqeeyey.Alaleksandr Bogomaz waxa kale oo uu sheegay inay Duqeyntaasi koronto la’aan ka dhigtay tuullo u dhow goobta la duqeeyey, iyadoo Isbitaal iyo xarumo kale oo muhiim ah loo xiriiriyey layn koronto oo kayd ahaa.Tan iyo markii uu bilowday Duullaankii Raashiya ku galeen dalka Ukraine bishii February 24-dii ee sanadkii hore waxay Ciiddanka Ukraine qaadeen tiro weeraro Madaafiic iyo Daroonis ah, oo ay la beegsadeen Goballada Raashiya ee Bryansk, Belgorod iyo Kursk ee u dhow xuduudka labada Waddan. Ukraine oo daroon ku duqeysay xarun Tamarta ee gudaha dalka Ruushka was last modified: January 3rd, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Gobolka Mudug next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Madaxeyne Farmaajo oo Saxiixay Xeerka Lagu Muransanyahay ee Saxaafadda 26/08/2020 Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle 30/05/2022 Madaxweyne Farmaajo oo Sida diiran loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb (Daawo Sawirro) 18/07/2020 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab 18/12/2022 Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga doorashooyinka 21/02/2020 Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh & Senator Fartaag? 11/01/2023 dhageyso:-Wafdi u hogaaminaayo wasiirka maaliyada maamulka hirshabeele ayaa soo gaaray magaaald beledeweyen 25/04/2017 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 15/06/2021 Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho 06/07/2022 Video:-Keating oo Baydhabo tagay, lana kulmay Masuuliyiinta K/Galbeed, 01/10/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.