Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. written by Warsan Radio 11/01/2023 Is rasaaseyn khasaaro kala duwan geystay ayaa ku dhexmartay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaalada Xidlhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Golaha Shacabka iyo Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.Is rasaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada NISA ee ku sugan Koontoroolka Madiino Gate ay isku dayeen inay celiyaan Gaariga uu watay Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo kayimid dhinaca Danwadaagaha kuna wajahnaa Garoonka, balse ay ka biyo diideen ilaalada Xildhibaanka, waxaana is rasaaseynta ku dhintay Askari kamid ah Ciidada NISA.Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil katirsan laamaha Amniga israsaaseynta ayaa waxaa kusoo baxay Saraakiil iyo Ciidamo kale, iyaga oo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay kadibna xaliyay.Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in Askariga is rasaaseynta ku dhintay oo Magaciisa lagu soo koobay Carabeey uu muddo badan ka Shaqeeynayay Koontoroolka Madiino Gate, iyada oo Gaariga uu la socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu socdaalkiisii iska sii watay. Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo cabasho ka ah Ciidamada hubeysan next post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee iDaacada Warsan You may also like Wasiirka caafimaadka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis muhiim ah “SAWIRRO” 15/02/2021 Wasiirka Gaashaandhigga oo saxiixay Siyaasadda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda 26/05/2021 Soomaaliya iyo Hindiya oo Iskaashi Cusub sameysanaya 05/03/2024 DIGNIIN LAGA BIXIYEY DHULALKA LA ISKU QABSADO EE BAYDHABO KU YAALA 21/04/2018 Tirada dadka Kenyaanka ah ee soo food saartay abaarta oo kor u dhaaftay 4 milyan 14/06/2022 Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab 24/10/2020 Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay Bandow kusoo rogayaan Xerada Afisiyooni & Agagaarkeeda 10/05/2022 Kulamo horudhac u ah shirka doorashada oo ka socda Muqdisho 21/05/2021 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 14/06/2017 Askar Kenyan oo lagu dilay qarax ka dhacay Wajeer & Al-Shabaab oo sheegtay 15/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.