Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 written by Warsan Radio 14/01/2023 Waxaa si weyn loo hadal hayaa kharashiyaadka uu isticmaali jiray madaxweynihii hore ee dalka Brazil, ka dib markii la soo badhigay ‘dhaqdhaqaaqyada iyo xisaabaadka’ lagu isticmaalay kaadhka dawladda ee madaxtooyada.Xafiiska madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa sii daayey maalintii jimcaha, kharashiyaadka sida gaarka ah loogu isticmaali jiray kaadhka gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro.Guud ahaan lacagta lagu isticmaalay kaadhka madaxweynaha hore ee dhowaan uun xilka ka degey muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayey ayaa gaadhaysa in ka badan $5 milyan. Lacagtan ayaa loo isticmaalay hab aad loola yaabay. Kaadhkan ayaa la sheegay inay isticmaali jireen madaxweynaha hore iyo illaa 21 xubnood oo ka mid ahaa dadka ka agdhow.In ka badan $21,000 ayaa lagaga cunteeyey makhaayad dhexdhexaad ah, taas oo $10,700 oo ka mid ah lagu isticmaalay roodhi, hal maalin gudaheed.Madaxweynaha hore Bolsonaro ayaa marar kala duwan wuxuu ku dooday inaanu hal senti ka isticmaalin kaadhka dawladda.Laakiin falanqaynta diiwaannada cusub ee ay furtay shabakadda wararka ee Uol waxay ogaatay in lacag ka badan $235,000 inuu Bolsonaro ku kharash gareeyey fasaxyadiisii 2019, 2020 iyo 2021.Ku dhowaad $14,000 ayaa kaalin shidaal hal mar oo keliya shidaal lagaga isticmaalay, halka ku dhowaad $286,000 loo isticmaalay tamashlayn iyo in lagu dego hotelo qaali ah oo ku yaalla goobaha loo dalxiis tago ee Guaruja.Sida laga soo xigtay mareegta GI, hotelka waxaa degey xubno la socday madaxweyne Bolsonaro, halka isagu uu degay xero ciidan.Lacagaha cuntada loo isticmaalay ayaa ahaa kuwo aad loola yaabay.Tusaale ahaan, makhaayad ku taalla gobolka Roraima ee dalka Brazil ayaa hal mar lagaga cunteeyey $21,000, taas oo ku filnaan karaysay inay cunto ku cunaan illaa 2,000 oo qof oo dalbada cuntooyinka qaaliga ah ee makhaayaddan. Cuntada makhaayaddan ayaa celcelis ahaan lagu iibiyaa illaa $10.Kaadhka dawladda ayaa roodhida lagu dalbaday ay gaadhaysaa illaa $71,000, iyada oo laga dalbaday wershed roodhida samaysa oo ku taalla Rio De Janeiro.Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyey dukaamada jalaatada iibiya. Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 was last modified: January 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan next post Xasan Sheekh: Al-shabaab waa dhilqe ee aan si wadajir ah iskaga saarno You may also like Madaxweynaha Maamulka Puntland oo magacaabay Guddiyo cusub 17/03/2024 Akhriso:-Kulan loogaga hadlayay arrimaha dhaqaalaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay 26/09/2018 Shiinaha oo laga bilaabay qaadashada tallaalka Covid 19 04/01/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/11/2021 Dhageyso:-Xildhibaan Cabdi Shakuur oo ka tirsan Gudiga Amniga Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hor yimid Ciidamada Dowladda Federaalka ay u soo daabulayso Baydhabo. 01/12/2018 Dhageyso: Sicirka Ganacsiga Degaanka Goofgaduud Buuray Oo Sare U Kac Kuyimid. 01/11/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/02/2021 Dhageyso+Sawiro:- Madaxa Xukuumadda Dowlad Goboleedka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir oo baaq nabaded u diray Maleeshiyo Beleedyo oo xoolo dhaqato eh 11/11/2018 Jubbaland oo Maamul cusub u magacaawday Degmada Garbahaarreey 12/10/2023 Raisal Wasaare Olaf Palme oo Soddon sano ka dib la ogaaday qofkii dilay (Sawirro) 17/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.