Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa fartay dhammaan Shirkadaha Diyaaradaha ee danaynaya inay ka qaybgalaan tartanka Daabulista Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan 1444/2023 inay soo gudbistaan codsiyadooda, soona buuxiyaan shuruudaha loo dejiyay tartanka Daabulista xujeyda ka hor 18. 04. 2023.
Wasaaradda ayaa sheegtay in shuruudaha oo gaaraya ilaa 13 qodob Shirkadihii soo buuxin waaya aysan qeyb ka noqon doonin tartanka daabulada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 2023.
Hoos Ka Akhriso Shuruudaha laga doonayo Shirkadaha Diyaaradaha ee danaynaya inay ka qaybgalaan tartanka Daabulista Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan.