Waxaa maanta Magaalada Nairobi ee dalka ka furmay shirka hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo Afar maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda Soomaaliya oo hoggaan ay u tahay Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta soo saarka Dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya