Inta la xaqiijiyay Ha lRuux ayaa geeriyooday laba kalena waa ay dhaawacmeen kadib shil Gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Shiikh iyo berbera oo kamid ah degaannada Somaliland.Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana qofka dhintay iyo labada qof ee dhaawacantay la geeyay Isbitaalka Magaalada Berbera ee degaannada Somaliland.Ciidamada ilaalada & Nabadgelyada waddooyinka ee Somaliland ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dadka ku waxyeeloobay Shilka, sidoo kalena baaritaan ku sameeyay sababaha keenay Shilka.Dad ku sugan Goobta uu shilka ka dhacay ayaa u gurmaday Shacabka waxyeelada gaartay, waxaana wadada xiriirisa Shiikh iyo berbera dhowr jeer sidaann oo kale uu ka dhacay shil gaari oo khasaaro geystay.Bilihii iyo sanadihii la soo dhaafay waxaa ku batay shilalka Gaari, iyada oo Somaliland ay sheegtay in sababaha shilalka badiyay ay tahay darawada oo inta badan si xowli ah ku wada Gawaarida.
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Berbera
previous post