
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Suudaan uu saameyn baβan ku hayo guud ahaan dalka isla markaana uu gobolka oo dhan u horseedi karo masiibo biniβaadantinimo. Dagaalka u dhaxeeya ciidamada iyo xoogag hubeysan ayaa billowday bishii April, waana uu sii fidayaa.Isku duwaha arrimaha biniβaadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa sheegay in gaajada, cudurrada iyo barakaca ay sababeen iskahorimaadyada ay khatar ku yihiin in ay la dagaan dalka oo dhan.Waxa uu sheegay in boqolaal kun oo caruur ah ay hayso nafaqo darro aad u daran ayna qarka u saaran yihiin in ay geeriyoodaan hadii aan la daweyn.
