Shirka Golaha Wadatashiga qatan ayaa saacadaha soo socda laagu wadaaa in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimaada Dawlada Goboleedka GalmudugMadaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xasan sheikh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa shir Gudoominayaa shirkaasDhamaaan Madaxda Maamul goboleedyada ayaa shirka ka qayb galaya kuwaas oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi DeniMagaalada Dhuusamareeb ee Casaimada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray shalay Raโiisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi , Madaxda Dawlad Goboleedyada, Koofur galbeed Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sidoo kle maadaxweynaha Galmudug oo maarti loo yaahay ayaa isaafgaanaa shirka kaa qaayb gaalaya .Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka furmaayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.