Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qararax ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho kaas oo aan wax khasaare ah geysanQaraxa ayaa dhashay Baabuur siday khudaar oo ka yimid dhanka degmada Afgooye, wuxuuna ka dhacay halka loo yaqaano Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.Warar ayaa sheegaya in ay markii hore ka shakiyeen ciidamada ammaanka, isla-markaana Baabuurka uu qarxay xilli lagu guda jiray in baaris lagu sameeyo.Qaraxan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmada Dayniile, waxana muddo kooban hakad galay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba nin oo la socday baabuurka qarxay, kuwaas oo isku dayay inay baxsadaan mana sheegin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay degmada Deeyniile.Afhayeenka Booliska ayaa tilmaamay in Maxkamad la soo taagi doono labada qof ee la socotay gaariga maanta ku qarxay agagaarka warlaaliska ee degmada Deeyniile.Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay Weerarad ay ku qaadayaan Fariisimaha Cidanka Dawlada Federaalka iyo degaanada ay ay ku sugan yihiin.