Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan ayaa dib ugu laabtay Caasimadda KMG ee Port Sudan.Jeneraal Al-burhaani ayaa booqasho hal maalin qaadatay waxa uu ku tegay Caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, oo uu shalay gaaray.Jeneral Al-Burhan ayaa waxa uu kulan khaas ah la soo yeeshay Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir Mayaradit,Kulanka ayaa labada dhinac uga wada hadleen Iskaashiga Wadajirka iyo Danaha labada dal iyo dadaalka Xal-u-helista Colaada dalka Sudan.Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Port Sudan ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Jeneral Ibraahim Jaabir Ibraahim oo xubin ka ah Golaha KMG ee dalkaasi, Jeneral Maxamed Al-qaali Cali Yuusuf oo ah Xoghayaha Guud ee Golahaasi iyo Tiro Wasiirada Wilaayada Badda Cas.