Madaxaweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in saraakiil milateri loo xirxiray tillaabooyinkii ay dhawaan ciidamadu uga soo baxeen saldhigyo ku yaal deegaanno ka tirsan Galmudug oo markii hore ciidamadu ka qabsadeen Al-shabaab.Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kula hadlayay duleedka degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ciidamo ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay in saraakiisha la xirxiray la soo taagi toono maxkamad ciidamada, lagulana xisaabtami doono dambiga ay galeen, isla markaana la marsiin doono waxa uu sharcigu ka qabo.Madaxweyne Xasan sheikh oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa ku aamaanay sidaa ay uga qayb qaadanaayaan Halganka Xoreynta ah ee ka socda degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle waxana uu Madaxweynuhu sheegaay in la Abaal marindoono Ciidanka Qaranka ee ka qayb qaadanaya dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab .