Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo kawada Dalka Qatar written by Warsan Radio 06/09/2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Al-Shabaab, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo kawada Dalka Qatar was last modified: September 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada xoogga dalka oo degaano horleh kala wareegay Al-Shabaab next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha & waxgaradka degmada Maxaas You may also like Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky”Ma lumin karno caasimadda.” 26/02/2022 Rooble”Aamina waxaa dilay kuwii horay u dilay Ikraan Tahliil” 31/03/2022 Akhriso:-Hindise sharciyeedyada looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada 29/05/2017 Maamulka Garbahaarey oo shirkadaha diyaaradaha ugu digay iney soo qaadaan guddiga qiimeynta 07/03/2022 Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Saraakiisha Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM kala shiray Amniga 07/02/2022 Faafaahin Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Baydhabo 22/10/2020 Guddiyada Farsamo Ee DF Iyo Maamul Goboleedyada Oo Shir Uga Furmay Baydhabo 15/02/2021 Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo booqasho ku tegey magaalada Mekelle 14/12/2020 Nabaddoon lagu dilay Muqdisho & faah faahin laga helayo 17/04/2022 AKHRISO:-Barnaamij Wasiirada Jubbaland ku soo bandhigen waxqabadkooda oo lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo 07/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.