ooliska ayaa sheegay in dalka Rwanda lagu xiray nin la tuhunsan yahay inuu yahay dilaa kadib markii ay meydadka in ka badan 10 qof ka heleen god ku dhex-yaalla gurigiisa.Dad deris la ah ayaa Khamiistii u sheegay wakaaladda wararka AP, in Denis Kazungu oo 34 jir ah, uu ahaa nin af-gaaban.Afhayeen u hadlay Xafiiska Dambi-baarista Rwanda (RIB), Thierry Murangira ayaa u weriyayaasha u sheegay in tuhunsanaha uu qirtay dilalka.Booliska ayaa tuhunsan in eedeysanaha uu dadka kasoo kaxeyn jiray baararka, oo uu keeni jiray gurigiisa ku yaalla caasimadda Kigali.Booliska waxay sheegeen in baaritaan uu ku socdo sababta uu ninka u dilay dadka, ayna sii dayn doonaan tirada guud ee meydadka goor dambe.Ilo-wareed ka tirsan Xafiiska Dambi-baarista Rwanda, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa AFP u sheegay in tirada dhibbanayaasha ay illaa hadda yihiin 14.Kuzungu ayaan laga heli karin jawaab, mana cadda haddii uu leeyahay qareen.Wargeyska dowladda ee The New Times ayaa kasoo xigtay Augustin Shyirambere, oo guriga ka kireeyey Kuzungu, inuusan muddo bilo ah iska bixin kirada, uuna diiday in guriga la galo. Milkiilaha ayaa kadib u tegay masโuuliyiinta dowladda si ay u caawiyaan.
Dilaa 14 qof ku dhex dilay gurigiisa oo la qabtay
previous post