Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca Shacabka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob Alshabaab isku aruursaneysay.
Dawlada Federalka aayaa sheegtay in Dagaalka ka socda dhulka howdka ah ee deegaankaas ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey Alshabaab , sida uu Warbaahinta Dawlada u sheegay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuukammada Soomaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.Sidoo kale Dawlad soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgallo burburin ah oo labadii maalmood ee la soo dhaafay Cidanka Qaranku ka waday Gobollada Mudug iyo Galgaduud waxyeelo lagu gaarsiiyay Alshabaab waxaana halkaas loog dilay sida ay dawladu sheegtay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.