Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo lagu wado in uu kulamo kula qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Madaxda Maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.Madaxweynaha ayaana Duqa Muqdisho kala hadli doona arrimo dhowr ah ay kamid yihiin sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa abaabulka degan ee lagu xureynayo deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe.Waxaa sidoo kale la filayaa Madaxweynaha in uu kala hadlo Yuusuf Madaale sidii wax looga qaban lahaa ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo bateen qaraxyada iyo dilalka ay geesanayaan Al Shabaab.